©ICRC
In ka badan toban sannadood dagaalaadii iyo rabshooyiinki ka dhacay Soomaaliya waxay sababeen kala qaybsanaanta bulshada iyo burburka xiriirka qoysaska. Sidaa daraadeed waxaa yaraaday awoodii ama fursadii xiriirka qoysaska.
Waxaa intaa dheeraa, dhaqaale daro hesyatay dadka kuwooda ugu taagta daran oo u suurtagelin weyday isticmaalka isgaarsiinta kuwaaso laga heli karay magaalooyinka waaweyn oo keliya. Taasi waxay lagama marmaan ka dhigtay baahida bulshada ee dib ula xiriirida qoysaska iyagoo u maraya Ururada Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas.
Iyadoo la kaashanaysa Guddiga Caalamiga ee laanqeyrta Cas, Bisha Cas ee Soomaaliyeed waxay ku leedahay labo iyo labatan (24) xafiis gobolada dalka, kuwaasi oo kaa caawinaya bulshada Soomaaliyeed dib u dhiska iyo joogtaynta xiriirinta qoysaska iyo qaarabadooda.
Barnaamijka baafinta ee ay wadajirka isaga kaashadaan Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo BBCda waa barnaamij shan iyo toban (15) daqiiqo lagu baafinaayo dadka maqan. Wuxuuna hawada soo galaa lix maalmood todobaadkiiba laga bilaabo Sabti iyo Khamis 5.15.-5.30 galabnimo iyo Axad ilaa Arbaco 5:30-5:45 galabnimo mawjadaha ama hirarka gaagaaban.
Codsiga baafinta waxaa la isticmaalaa marka lagu guul dareysto fariimo la diray oo dib loogu soo celiyay diraha ama wax xog ah laga hayo la baafiyaha.